Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku shaandhayntii Deni oo soo deg degtay iyo rag seeftu qaadan doonto

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la filayo todobaadkan isku shaandheyn ku sameyn doona, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland.

Xogo ay warbaahinta Puntland Post heshay ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu todobaadkan wasaaaradaha qaar u magacaabi doono agaasimayaal guud iyo agaasime-waaxeedyo cusub halka agaasimayaal  badana ay seeftu la tegi doonto

Qaar kamid ah hay’adaha dowladda ayaa sidoo kale la filaya in mas’uuliyiin cusub loo magacaabo waxaana hay’adahaasi kamid ah  hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA oo fadhiid noqotay kadib markii maamul-xumo iyo musuq maasuq baahsan ragaadiyay.

Waxaa kale oo sida la sheegayo madaxweynuhu guddoomiyaal cusub u magacaabi doona qaar kamid ah gobollada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Isku shaandhayntii Deni oo soo deg degtay iyo rag seeftu qaadan doonto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this