Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: DFS Oo Loogu Baaqay Xalinta Tabashada Beelaha Dega Deegaannada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee Galmudug.

Xaashi ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda federaalka Soomaaliya xalinta tabashooyinka ay qabaan beelaha dega Galmudug, si loo helo Galmudug oo mid ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ra’iisul wasaare Kheyre mashquul ku yahay dhinacyada Xaaf iyo sidoo kale Ahlu-sunna, ayna ka rajeynayaan inuu si toos ah ula fadhiisto dhinayacda kale ee harsan.

Dhanka kale, Maxamed Xaashi oo aan wax ka weydiinnay maqaamka Cadaado ayuu sheegay in taasi aanay dood ka taagneyn oo ay tahay magaaladaasi xarunta baarlamaanka Galmudug.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this