Sign in to follow this  
Deeq A.

Cuba oo war cusub ka soo saartay dhaqaatiirtii ay ka Afduubteen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka ee Cuba Jose Angel Portal ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay dhaqaatiir u dhashay dalkaasi oo Al-Shabaab dhowr bilood ka hor ay ka soo afduubteen gudaha dalka Kenya.

Mr Porta oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Caasimada ah ee Havana ayaa sheegay in ay sameyneyso Cuba wax kasto oo lagu soo deyn karo dhaqaatiirtaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladdiisu ay wado dadaallo xoogan oo loogu jiro, sidii loo heli lahaa muwaadiniintaasi.

Dhanka kale waxa uu beeniyay in Al-Shabaab ay la soo xiriireen, islamarkaana ay weydiisteen lacag madax furasho ah.

Wasiir Jose Angel Portal ayaa intaasi ku daray in dhaqaatiirtu weli ay nool yihiin, islamarkaana haddii ay sii deyntooda suurtagaleyso ay bixinayaan madax furasho.

“Xukuumadda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aadan sii deynta,”ayuu yiri wasiirka caafimaadka ee Cuba.

Landy Rodriguez iyo  Assel Herrer oo ah dhaqaatiirta la afduubtay ayaa la aaminsan yahay in lagu hayo gudaha Soomaaliya.

Dhaqaatiirtan ayaa ka mid ahaa 100  dhaqtar oo Kenya ay shaqaaleysiisay gudaha dalkeeda.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this