Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo ka baxay ballantii uu la galay odayaasha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka bishii maalmo ka hor dhamaatay ee June waxaa Muqdisho ballan ku kala dhigtay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Muqdihso iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ku saabsaneyd go’doonka magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa malaaqa Abgaal iyo odayaal kale ka balan qaaday in todobaadka Xorriyadda kadib la furi doono dhamaan waddooyinka magaalada Muqdisho oo xiran muddo ka badan 5 bil.

Qaar kamid ah Waxgaradka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wali aysan dhaqan gelin ballantii ay la galeen Madaxweynaha Soomaaliya markii ay kawar dooneena loo sheegay in Madaxweynaha ay la kulmi doonaan oo ballan looga soo qaadi doono xiliga kulanka.

Rajo wayn kama qabaan in ay kulan la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama aan wali loo sheegin xiliga ballanta ee kulanka Madaxweynaha.

Dhaqanka Muqdisho oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay kulan ka yeelan doonaan xaaladda soo korartay ee ah Ballanta looga baxay, waxayna sidoo kale sheegayn in ay qaadan doonaan go’aankii ugu dambeeyay ee Gobalka Banaadir oo muddo dheer wajahaya dood badan oo aan mira dhalin.

Go’doonka saaran magaalada Muqdisho ayaa looga sii daray maalmihii ugu dambeeyay gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1-da Luulyo. Dadka ku nool gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ku saabsan go’doonka magaalada Muqdisho oo aan la isaga gudbi karin muddo aad u fog.

Markii laga soo tago ballanta Madaxweynaha uu ka qaaday waxgaradka gobalka Banaadir, xiriiro ay Caasimada Online la sameysay qaar kamid ah Saraakiisha amaanka ee Gobalka Banaadir ma jirto wax go’aan ah oo laga gaaray furitaanka wadooyinka Muqdisho waxaana la filayaa in ay sii xirnaato bilooyin kale.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this