Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka beelaha Habargidir

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug kusii qulqulayo wufuuddii loogu talagalay inay ka qeybgasho Shirka la filayo inuu Magaaladaas ka furmo.

Shirkaan oo ay yeelaneyso beesha Habar-gidir islamarkaana la sheegay inuu yahay mid looga hadlayo maalgashiga deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu hub ka furmo 15 Bishaan.

Magaalada Hobyo ayaa si weyn ugu diyaar garowday shirweynaha ay Beelaha Habargidir ku yeelanayaan kaasoo la filayo in looga wada hadlo ka tashiga aayaha deegaanada Habargidir iyo sidii loogu sameyn lahaa maalgashi.

Wufuudda ilaa hadda gaartay Hobyo ayaa la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay shirweynahaas 15 bishaan ka dhacayo Magaalada Hobyo.

Guddoomiyaha Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Cali Faad ayaa Mas’uuliyiintaas kusoo dhaweeyey halkaas.

Magaalada Hobyo oo ah magaalo xeebeed leh Dakad macmal ah ayaa u muuqato inay tahay mid laga heli karo fursado maalgashi haddii looga heshiiyo shirweynahaas.

Waxaa shirkaas lagu wadaa inay ka qeyb galaan Jaaliyadda Galmudug ee Daafaha Caalamka, Qeybaha kala duwan ee Bulshado, Aqoonyahanada iyo waxgaradka.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka taagan Doorashada Galmudug kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sheegay inay Doorashada ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb iyadoo hadalkaas ay kasoo hor jeesteen Beesha dagto Cadaado.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this