Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maleeshiyo hubeysan oo is hortaagtay dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar nin oo ah maleeshiyo hubeysan ayaa is hortaagtay cabir lagu sameynayay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose bilaawgii todobaadkaan.

Ragaan ayaa soo eryay shaqaale Turki ah oo cabirayay Laamiga iyo dhowr Askari oo la socotay kadib markii ay weydiisteen lacag baad ah.

Shirkadda dhismaha ee waday shaqaalahaan ayaa ku wargelisay Dowladda Soomaaliya, waxaana kadib loo diray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaas oo toogasho ku dilay 2 qof halka 2 kalane ay dhaawaceen kadibna ay soo qabteen.

Sidoo kale, Booliiska ayaa hubkii ka qaatay ragan waxaana la sheegay in ay ahaayeen Maleeshiyo degaanka ah. Arintaan ayaa ka dhacday agagaarka degaanka Sarkuusta waxayna aad ugu dhowdahay halka loo yaqaano Xaafadda Galmudug.

Hey’adaha amaanka wali arintaan kama aysan hadlin balse waxaa taagan xiisad ka dhalatay dadka la dilay. Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Xoogga dalka, Baarlamaanka iyo siyaasiin kale ayaa la sheegay in ay ku doodayaan in dadkaan aysan is hortaagan dhismaha balse ay toogasho toos ah u geesteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelineyso Dowladda Qatar ayaa wali bilaabin waxaana laba jeer Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in ay bilaaban doonto todobaadka cusub markii loo eego xiligii uu hadlayay.

2 sano kadib ilaa ma bilaaban dhismaha waxaana la aaminsan yahay in aysan soo dhawayn bilaabashada dhismaha waddadaasi oo muhiim ah labada Gobal ee Banaadir iyo Shabeelada Hoose.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this