Sign in to follow this  
Deeq A.

Cawad oo sharaxay sababta aysan DF xiriirka ugu goyn Kenya sida Guinea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u goysay dalka Galbeedka Afrika dhaca ee Guinea markii uu hab-maamuus madaxweyne uu ku qaabilay Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland.

Somaliland ayaa waxay sheegataa madax banaani tan iyo 1991-dii kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, illaa iyo haatanse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoos-yimaada xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Kadib talaabo noqoneysaa tii diblumaasiyadeed ee ugu adkeyd oo ay xukuumada hadda jirto qaadato, waxaa soo ifbaxey su’aalo horleh oo ay kamid tahay sababta ay go’aan noocan ama u soo dhow uga qaadan weyday dalka Kenya.

Nairobi oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeysa Muqdisho kuna aadan xuduud dhul-badeed ayaa bilooyinkii lasoo dhaafey ku dhaqaaqdey talaabooyin ay kamid tahay in ay aad ugu sii dhawaaneysay maamulka Hargeysa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku tilmaamtay Somaliland “dal” taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho in loo yeerto safiirka Kenya kaasi oo lagu wareejiyey warqado cabasho ah.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo su’aashan la hordhigay ayaa waxa uu tilmaamay in ay “dulqaad badan” ugu muujinayaa Kenya derisnimadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay.

“Kenya waa ay nooga duwan yahay Guinea, xiriiro badan baa naga dhaweeyay, wax is-dhaafsi badan baa naga dhaxeeyay. Malaha sabbar dheeraad ah ayaan u muujinay, xiriirkeena meeshuu ahaa iyo derisnimada naga dhaxeysa daraadeed,” ayuu Cawad u sheegay BBC-da.

Marka laga reebo cilaaqaad guud, ma jirin xiriir dhow oo dhinaca diblumaasiyadda ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Guinea, taasoo dhalisay su’aal ah “Muqdisho ma waxay xiriirka u jartay dal aanu xiriir kala dhaxeynba?”

Intaasi waxaa wehlisa, labada dowladood midkoodna kan kale dhulkiisa kuma lahan wax safaarad ah xitaa ma jiro danjireyaal u qaabilsan arrimaha wadamadooda.

Hasa ahaatee wasiir Cawad oo arrintaan ka jawaabay ayaa yiri: “Xiriirka qaabab kala duwan buu leeyahay. Ma jiro wakiilo diblumaasiyadeed ama safaarado balse xiriir baanu lahayn sida wadamo kale oo aanu safaarado ku lahayn ama aysan u joogin [dalka]. Marka, Guinea Midowga Afrika bey ka tirsan tahay, waana dal aanu xiriir la lahayn, waana u dignay oo ka jooga baanu ku dhahney balse waa ay ku dhiiradeen, annagana go’aankan baanu qaadanay”.

Ugu dambeyntii, Cawad oo arrinta badda wax laga waydiiyay ayaa cadeeyay in dowladda ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamada Cadaaladda Aduunka, isaga oo dadweynaha ka codsadey in ay xukuumada garab-istaagan.

Isha: Garoowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this