Deeq A. Posted July 5, 2019 Mudooyinkii danbabe laanta afka Somaaliga ee BBC waxa ay warar Iyo ciwaano qaldan ka bixinayeen jamhuuriyada Somaliland, bal u fiirso ciwaankani Iyo warka hoos yaala Aqoonsi raadinta Somaliland ma wuxuu ka riday Guinea oo ay dadkeeda fuqaro yihiin? – BBC News Somali Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni iisu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea, halkaas oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay. Balse arrintaasi ayaa dhalisay muran hor leh oo ka dhex-dilaacay Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Guinea. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la weydiiyay in dowladdiisa ay horey xiriir ula lahayd Guinea ayaa sheegay in labada dal aysan horey u lahayn matalaad diblumaasiyadeed. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir Faratoon, ayaa sheegay inay halkaas u tageen inay sii wadaan xiriirkooda ay la leeyihiin dalalka dunida. Haddaba Guinea waa dal caynkee ah? Macdanta laga helo Guinea ayaa ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ay tahay inay ugu qanisanaadaan qaaradda Afrika, balse dadkeeda ayaa ka mid kuwa ugu faqiirsan galbeedka Afrika. Waxaa dib u dhigay hanti-wadaag muddo dheer lagu dhaqayay, iyo labo sano oo ay militeri ka talinayeen. Balse haatan, inkasta oo sanadkii 2010-kii ay dowlad rayid ah meesha qabsatay, waxay dalka u horseedday iska horimaad hubeysan. Waxaa intaa u sii dheer, in boqollaal kun oo qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Liberia iyo Sierra Leone ay halkaasi ku nool yihiin, oo ay culays dheeri ah ku keeneen dhaqaalaha dalkaasi. Somalia iyo Guinea horey xiriir ma u lahaayeen Soomaaliya iyo Guinea ma lahayn wax xiriir diblumaasiyadeed ah, horeyna uma jirin wax dano ah oo soo kala dhex-galay labada dal, balse waxay labaduba xubin ka wada yihiin Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Xaqiiqooyin la xiriira Guinea Magaca: Jamhuuriyadda Guinea Caasimadda: Conakry •Tirada dadka: 10.5 milyan •Masaaxada: 245,857 sq km (94,926 sq miles) •Luqadaha: Faransiis, Susu, Fulani, Mandingo •Diinta: Islaam, Masiixi, Diimaha dhaqanka Xigasho: Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka Madaxweynaha Guinea Qaran News Share this post Link to post Share on other sites