Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay hub iyo gaadiid dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo maanta gaaray degmadaasi ayaa si wadajir ah u la wareegay hub fara fara badan, gawaari iyo maleeshiyaadkii isticmaalayay.

Ciidamadan ayaa la sheegay in la Qarameyn doono, islamarkaana lagu biirin doono kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in dhawaan la diiwan gelinayo maleeshiyaadkaasi, ayna heli doonaan tababaro dheeraad ah.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo xoogan oo dowladdu ay ku dooneyso in lagu mideeyo Galmudug, laguna heshiishiiyo Beelaha daga gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra”iisul wasaare Khayre uu Kooxda Ahlu-Sunna kala wareegay ciidamo, kuwaas oo si rasmi ah loogu daray kuwa xooga dalka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

11.jpg 22-1.jpg 33-1.jpg 44-1.jpg55-1.jpg

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this