Deeq A. Posted July 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in uu gudoomiyeyaal cusub u magacaabey degmooyinka Yaqshid iyo Xamar-jajab. Muuse Geesey Jimcaale ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub ee Yaqshid, markii xilkaasi laga qaadey Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed. Guhaad Sheekh Xasan ayaa isna loo xushay gudoomiyaha Xamar-jajab ka gedaal markii la eryayIsmaaciil Mukhtaar Cumar [Oranja]. Lama ogga sababta ka dambeysa xilka qaadista balse waxay imaaneysaa xili mudooyinkii dambe ay taagneyd hadalheynta. Muuse Geesey oo da’diisa lagu qiyaasay 70-jir ayaa waxaa uu noqonayaa ninka ugu da’da weyn gudoomiyeyaasha gobolkan. GAROWE ONLINE View the full article Share this post Link to post Share on other sites