Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamul cusub oo loo magacaabey laba degmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa la sheegayaa in uu gudoomiyeyaal cusub u magacaabey degmooyinka Yaqshid iyo Xamar-jajab.

Muuse Geesey Jimcaale ayaa laga dhigay gudoomiyaha cusub ee Yaqshid, markii xilkaasi laga qaadey Cabdiwali Cabdullaahi Maxamed.

Guhaad Sheekh Xasan ayaa isna loo xushay gudoomiyaha Xamar-jajab ka gedaal markii la eryayIsmaaciil Mukhtaar Cumar [Oranja].

Lama ogga sababta ka dambeysa xilka qaadista balse waxay imaaneysaa xili mudooyinkii dambe ay taagneyd hadalheynta.

Muuse Geesey oo da’diisa lagu qiyaasay 70-jir ayaa waxaa uu noqonayaa ninka ugu da’da weyn gudoomiyeyaasha gobolkan.

GAROWE ONLINE

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this