Deeq A. Posted July 5, 2019 Balanballe (SMN) – Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud. Mas’uuliyiinta oo soo dhaweyn diiran la kulmay ayaa halkaasi waxay u tageen diiwaan-gelinta iyo qarameynta ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal lagu wareejiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Tani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay waddo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sidii loo qarameyn lahaa maleyshiyaadka ku hubeysan qaybo kamida Galmudug, isla markaana looga biirin lahaa xoogga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites