Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka socota DFS oo gaarey Balanballe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balanballe (SMN) – Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta oo soo dhaweyn diiran la kulmay ayaa halkaasi waxay u tageen diiwaan-gelinta iyo qarameynta ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal lagu wareejiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay waddo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sidii loo qarameyn lahaa maleyshiyaadka ku hubeysan qaybo kamida Galmudug, isla markaana looga biirin lahaa xoogga dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this