Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay basaasnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – AlShabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Salagle ee gobolka Jubadda Dhexe waxay ku toogatay rag kale oo ay ku eedeysay in ay la shaqeeyaan sirdoonada dowlada Soomaaliya iyo dalalka taageera.

Magacyadda ragga ay toogatay Al-Shabaab ayaa waxay lagu kala sheegay;

Maxamuud Bashiir Hilowle, oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA.

C/raxiin Axmad Yuusuf, oo isna lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Idiris Yuusuf Dhallin, oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay ciidanka xooga Soomaaliyeed ee Bankaraf.

C/Xakiin Xuseyn C/Nuur, oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka maamul goboleedka Jubbaland.

Isaaq Cabdullaahi Xasanow, oo isna ay Al-Shabaab ku eedeysay lagu eedeeyay Sirdoonka Koofur Galbeed.

Maalin kahor ayay ahayd markii ay Al-Shabaab fagaare ku yaala degmada Xagar ee Jubadda Hoose ay ku toogatay shan rag kuwaasi oo ay ku eedeysan in ay jaajuus u ahaayeen dowlada iyo wadamada taageera.

GAROWE ONLINE

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this