Deeq A. Posted July 5, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacdey magaaladda Dhuusamareeb oo lagu diiwaan-gelinayey ciidamada Ahlu Sunna, ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu baaq u diray bulshada ku nool Galmudug. Wasiirka Koowaad ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa cid kasta oo haysata hub iyo ciidan maleyshiyo ah ku tartarsiiyey in ay hubka kusoo wareejiyaan isla markaana la diiwaan gelinayo lana qarameynayo. Mr Khayre oo sii hadlaya ayaa waxa uu balanqaadey in xuquuqda ay si joogto ah u heli doonan ciidamada maamulka Ahlu Sunna iyo kuwa kale ee lagu biirinayo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Sikastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Khayre oo safar shaqo ku jooga degaaanada maamulka Galmudug ayaa halkaasi kawada dadaalo dib u heshiisiin ah, kuwaasi oo illaa iyo haatan ay natiijo wax ool ah ay kasoo baxeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites