Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Gacal Casir oo codsi u diray dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Afhayeenka baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa soo dhaweeyay dadaalada uu hormuudka ka yahay ra’iisul wasaare Khayre ee ku aadan dib u heshiisinta dowlad goboleedkan.

 

Mr Cali oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa wuxuu sidoo kale dowlada federaalka Soomaaliya ka dalbadey in ay xaliso tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah dadka dega degaanada maamulka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu gudoomiyuhu bogaadiyey tanaasulka uu qaatay madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, inkasta oo uu xusay in laga mudnaa in uu mar hore qaato si xasilooni waara loo helo.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in uu soo afjarmay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug kadib dadaalo badan oo ay ku bixisay dowladda federaalka gaar ahaan wasiirka koowaad ee xukuumada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this