Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo hawada dalkeeda u diiday diyaaradda Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa safar uu ku aadi dalka Rwanda ka baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib cilad farsamo ay soo wajahday diyaarad ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho.

Ka hor inta aysan isku dayin in ay ka duusha diyaaradaan garoonka magaalada Muqisho ayaa lagu wargeliyay in aysan mari karin hawada dalka Kenya, sida aan ka soo xiganay Saraakiil katirsan garoonka magaalada Muqdisho.

Sida caadiga ah markii ay diyaaradaha ka baxayaan dal islamarkaana ay ku sii jeedaan dal kale waxaa lagu wargeliyaa waaxda socdaalka ee dalka marinka ah, markii ay madax ka gudbayaana kuma sii jirto.

Waaxda duulimaadka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in Hawada dalkeeda ay marto diyaarad u kireesneed Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana markaas la isku raacay in la maro Hawada dal kale balse waxaa cilad qabsatay diyaaradii qaadi laheyd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa markii ugu horreysay oo ay tilaabadaan qaadato Kenya waxayna qayb ka tahay xadgudubyada ay kula kacayso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa wali wada tanaasul iyo dulqaad maadaama ay Kenya wajaheyso guul darrooyin badan.

Dowladda Soomaaliya oo ka gudubtay xadgudubyo badan oo uga yimid Kenya ayaa u aragto in Kenya oo gacanta waxba ku heynin ay markeeda wajihi doonto guul darrooyin badan oo ka dhasha dooda ay gelisay Badda Soomaaliya.

Soomaaliya wali kama aysan hadlin baaqashada madaxweynaha iyo go’aanka Kenya, balse waxaa jiray qoraalo cudur daar oo ay Internet-ka isku dhaafsadeed Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda kuwaas oo lagu cadeeyay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradii qaadi laheyd wafdigii Soomaaliya ee ku wajahanaa Rwanda.

Thank you President M.Farmaajo for your kind words. We know you were also supposed to join us on this occasion had it not been for last minute technical problem ….!

— Paul Kagame (@PaulKagame) July 4, 2019


Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this