Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo markale shan Qof u toogtay basaasnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in markale Al Shabaab fal toogasho ah ay ka fuliyeen gobolkaaasi.

Illaa shan qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka ayey toogteen Al-Shabaab.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Goobta lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’iskuugu yeeray halkaasi.

Magacyada ragga la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen:

1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur  oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubbaland.

3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu basaas u ahaa maamulka Koonfur Galbeed.

5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay ciidamada Bangaraafta Mareykanka.

Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac ay fulinayaan dhaq dhaqaaqan Al-Shabaab, waxaana shalay gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen illaa 5 qof oo sidoo kale ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this