Deeq A. Posted July 5, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in markale Al Shabaab fal toogasho ah ay ka fuliyeen gobolkaaasi. Illaa shan qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka ayey toogteen Al-Shabaab. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe. Goobta lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’iskuugu yeeray halkaasi. Magacyada ragga la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen: 1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka. 2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubbaland. 3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka. 4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu basaas u ahaa maamulka Koonfur Galbeed. 5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay ciidamada Bangaraafta Mareykanka. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac ay fulinayaan dhaq dhaqaaqan Al-Shabaab, waxaana shalay gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen illaa 5 qof oo sidoo kale ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites