Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad DF Soomaaliya ka dhan ah oo loo gudbiyey QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay UN-ka u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada federaalka Somaliya oo dhawaan saxiixday heshiis muhiim ah oo ay kula wareegayso hawada Somaliya.

Sida uu Wargeyska East African Business Week ku waramayo, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa xaqiijiyey in Somaliland ay dacwad uga gudbisay UN-ka dowlada federaalka Somaliya.

Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in dowladda federaalku ay jabisay heshiis ay hore Somaliland iyo Somaliya ugu kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaasi oo ku saabsanaa maamulka Hawada Somaliya.

Baashe ayaa waxa kale oo uu Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada iyadna ku eedeyay inaysan fulin heshiiskii ka dhacay magaalada Istanbul.

Somaliland ayaa si adag uga hadashay heshiiskaasi ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Hay’adda ICAO, kaasi oo ahaa heshiiskii ugu dambeeyay ee ay dowladda Somaliya kula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya.

Iyadoona heshiiskaasi ku sheegtay inay ka dambeeyen wada-hadalo qarsoodi ah oo ay wada yeeshen dowladda Somaliya iyo Hay’adda ICAO.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this