Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Shaki weyn oo ka dhashay hadal kasoo yeeray mas’uul ka tirsan Ahlu Suna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa sheegay inaysan Dowladda Soomaaliya kula heshiin in la burburiyo  Ururkaas iyo Ciidamada.

Shiikh Isaaq Mursal Geesa Dheere oo kamid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa xusay inaysan Ahlu Sunna ka tanaasulin dhaqdhaqaaqyadoodi hubeysanaa ee Gobalada Dhexe balse ay qaateen qorshe ah in ay lugta la galaan Siyaasadda iyo Maamul Goboleedyada.

Wuxuu sheegay in qorshahaas hadda laga fulinayo Galmudug isla markaasna ay ku xigi doonto inay Ahlu Sunna ka qeyb noqoto Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jiro.

Wuxuu tilmaamay in qarameynta ciidamadooda ay ka saacideyso inay Ahlu Sunna awood ku yeelato Galmudug isla markaasna ay mushaar uga hesho Dowladda Soomaaiya.

Kheikh Isaaq Mursal geesa Dheere oo kamid ahaa Horjoogayaashii dhanka Dagaalka ee Ururka ee Koofurta Soomaaliya ayaa Idaacada Simba u sheegay inay Xiligaan ay u gurteen dhanka Siyaasadada iyo Xasiloonida Islamarkaana ay Ciidamada Dowladda ay ugu wareejiyeen inay qeyb ka qaataan Dagaalka Al-shabaab.

Hadalka kasoo yeeray Mas’uulkaan ayaa imaanayo iyadoo Maanta ay Dhuusamareeb gareen guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD Mohamed Ali Guyo si ay marqaati uga noqdaan dhameystirka heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda.

Sidoo kale Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Cawil.mp3

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this