Deeq A. Posted July 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites