Deeq A. Posted July 4, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-38, ee Luulyo, 03, 2019, ku baabi’iyey Hay’adda “PSAWEN” iyo wareejinta Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN). Waxaa Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Baabi’iyey Hay’addii PSAWEN appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites