Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Baabi’iyey Hay’addii PSAWEN

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-38, ee Luulyo, 03, 2019, ku baabi’iyey Hay’adda “PSAWEN” iyo wareejinta Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa la baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN).
  2. Waxaa Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo Baabi’iyey Hay’addii PSAWEN appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this