Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo sameeyay wakaalado cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub.

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland.
  2. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland.
  3. Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo sameeyay wakaalado cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this