Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Soomaaliya oo xiriirka u jartay Guinea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dalka Guinea.

Xukuumadda federaalka ayaa ku eedeysay wadankaasi Galbeedka qaaradda Afrika ku yaala in uu ku xadgudbay madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Wadanka Guinea ayaa waxa uu todobaadkan soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo soo dhaweyn diiran la kulmay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo warkan ku dhawaaqey, ayaa sidoo kale wadamada kale uga digay talaabooyinka noocaan ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this