Deeq A. Posted July 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dalka Guinea. Xukuumadda federaalka ayaa ku eedeysay wadankaasi Galbeedka qaaradda Afrika ku yaala in uu ku xadgudbay madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya. Wadanka Guinea ayaa waxa uu todobaadkan soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo soo dhaweyn diiran la kulmay. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo warkan ku dhawaaqey, ayaa sidoo kale wadamada kale uga digay talaabooyinka noocaan ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites