Sign in to follow this  
Deeq A.

Jadwalka guud ee doorashada Jubaland oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay jadwalka guud ee doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhacaysa bisha Agoosto ee sannadkan.

Guddiga ayaa sheegay in 16-ka bishan July ilaa 6-da bisha Agoosto ay socon doonto soo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland halka 16-ka ilaa 22 bisha July ay socon doonto diiwan-gelinta musharrixiinta doorashada madaxtinimada Jubaland.

Diiwan-gelinta musharrixiinta guddoonka Baarlamanka ayaa iyana socon doonta 14_15 bisha Agoosto waxaan doorashada guddoonka Baarlamanku dhacaysa 18-ka bisha Agoosto ee soo socota sida ku xusan jadwalka.

Guddiga ayaa mudda 15 cisho ah dib u dhigay doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhici lahayd 15-ka Agoosto waxaana sida jadwalka ku cad ay doorashada madaxtinimada Jubaland dhici doontaa 30-ka bisha Agoosto ee socota.

Halkan hoose ka akhriso jadwalka oo dhan

Doorashada-Jubaland.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jadwalka guud ee doorashada Jubaland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this