Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday goor dhow inay xiriirka u jartay dalka Jamhuuriyadda Guinea kadib marti-qaadkii uu dalkaas u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiirada.

Cawad ayaa Guinea ku eedeeyey inay ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya kadib markii sida madaxweyne dal oo kale ay usoo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Cawad ayaa sidoo kale dalalka kale uga digay inay ku xadgudbnaan qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in hadda kadib Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dalalka ku xadgudba qarannimada Soomaaliya ee mas’uuliyiinta gobollo ka tirsan Soomaaliya ula dhaqma sida hogaamiyeyaal dalal oo kale.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this