Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyada dhashay gabar lagu kufsaday Buurtinle oo sheegtay in ay caddaalad weyday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ubax Axmed Xirsi waa hooyada  dhashay gabar yar oo lagu magacaabi jiray Najmo Cabdulqaadir Xassan taasi oo u geeriyootay kufsi bil ka hor loogu geystay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Ubax oo maanta warbaahinta kula hadashay gudaha degmada Buurinle ayaa sheegtay in ay caddaymo u hayso saddex nin oo ku eedaysan kufsiga gabadheeda waxaana ay maxkamadda Garoowe ka codsatay in gabadheeda oo sida ay sheegtay agoon ahayd caddaalad loo sameeyo islamarkaana sharciga la mariyo eedaysanayaasha.

Sidoo kale Ubax ayaa sharraxaad hor leh ka bixisay sida loo kufsaday gabadheeda iyo caddaymaha ay u hayso saddexda eedaysane ee lagu tuhmayo in ay kiiska geysteen.

Hoos ka daawo Hooyada dhashay gabadha yar

Dhinaca kale ku xigeenka Xeer- ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo maalmo ka hor idaacadda Radio Daljir ka wareysatay kiiskaasi ayaa sheegay in ehelada gabadha la kufsaday ay hay’adaha caafimaadka iyo laamaha baarista ee dowladda Puntland la soo xiriireen bil kadib kufsigeeda iyadoo uu baaba’ay raadkii kiiska.

Xareed ayaa ehelada gabadha ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin in la waayo raadadkii Kiisa kufsigaasi maadaama sida uu sheegay bil kadib aysan laamaha baaristu heli Karin caddaymaha kiis duugoobay oo mar hore dhacay.

Halkaan ka daawo wareysiga Xareed

PUNTLAND POST

The post Hooyada dhashay gabar lagu kufsaday Buurtinle oo sheegtay in ay caddaalad weyday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this