Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Qarammada Midoobay U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Maamulka Hawadda Ee Soomaaliya La Wareegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gudbisay dacwad ka dhan ah talaabadda ay Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya ay ku sheegatay inay Hay’adda ICAO kala wareegtay maamulkii hawadda ee Soomaaliya iyo Somalilan-ba.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda, oo maanta daabacay in Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar uu xaqiijiyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dacwad u gudbisay UN-ka, maadaama oo uu hore u jiray heshiis la kala saxeexday oo ku wajahnaa maamulka hawadda oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala saxeexdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, hase ahaatee ay heshiis jabisay Xukuumadda Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe intaas ku daray in aanay Hay’adda maamulka hawadda u qaabilsan Qarammada Midoobay ee ICAO aanay fulinin heshiiskaas jiray ee jidaynayey in wadajir loo wada maamulo isla markaana ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this