Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacay Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Minnesota)-Booliska magaalada Eagan ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in nin Soomaali ah lagu dilay toogasho fiidnimadii xalay ka dhacay magaaladaasi.

Marxuum-Isak-Abdirahman-Aden.jpg

Marxumka la dilay oo la odhan jirey Isaaq Cabdiraxmaan Aadan ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Is-rasaasayn dhex martay isaga iyo xubno ka tirsan Booliska.

Sida laga soo xigtay Baadhayaasha waxay sheegeen inay saraakiisha toogteen Marxuumka, xilli ay baacsanayeen, isago oo watay qori, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Saxafi ka tirsan Warbaahinta KSTP ayaa sheegay inuu arkay Saraakiisha Booliska oo isku gedaamay halkii uu ku sugnaa Marxuumka, lana toogtay, markii uu diiday inuu qoriga iska dhigo.

Taliyaha Booliska ee magaalada Eagan, Roger New ayaa isaguna sheegay inay dhowr saacadood isku tijaabinayeen inay Marxuumka wada-xaajood la galaan, balse ay ku guul-daraysteen.


Si kastaba ha ahaatee, Marxuumka oo 23-jir ahaa ayaa la sheegay inuu dhaawacyadii soo gaadhay ugu geeriyooday Cisitaalka Regions Hospital.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this