Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna iyo dowladda oo ku heshiiyay in si dhakhso ah loo diiwan-geliyo ciidamada Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa haatan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu diiwaan gelinayo Ciidanka Alhu Sunna.

Taliyaasha Ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo Ahlu sunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan, si loogu diyaar garoobo xoreynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug.

  • 1-12.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ahlu Sunna iyo dowladda oo ku heshiiyay in si dhakhso ah loo diiwan-geliyo ciidamada Ahlu Sunna appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this