Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ninkii Al-Shabaab hubka ugu kala gudbin jiray Muqdisho oo la xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa la xiray bishii Fabruary ee sanadkan, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ninkani Kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa kala gudbinta hubka fudud ee lagu geysto dilalka qorsheysan.

Xuseen Dheer ayaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray bilowgii Augusta ee sanadkii hore, islamarkaana ay ku tashkiiliyeen labo ka tirsan Ehelkiisa.

Sida ay shaacisay maxkamaddu ninkan ayaa saddex jeer magaalada u kala gudbiyay hub uu ka soo geliyay gobolka Shabeelada Hoose, islamarkaana uu rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ugu geeyay xaafadaha Towfiiq, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha ee Muqdisho

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda u horkeenay cadeymo muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay.

Sidoo kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn karin gacan siin, maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa saaka go’aan ka soo saaray, waxa ayna maxkamaddu  ku xukuntay shan iyo toban Sano oo xabsi ciidan ah sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya.

Haddii uusan ku qanacsaneen xukunkan Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

8.jpg 6-2.jpg 7-2.jpg

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this