Deeq A. Posted July 4, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo careysan ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen aaga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gaduud dartiis uga soo baxeen deegaankaasi oo ay in muddo ah iska hor fadhiyaan maamullada Somaliland iyo Puntland. Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhowr bilood oo xiriir ah aysan helin wax mushaar ah. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Garowe oo ay tageen ciidamadaasi. Ma jiro illaa iyo haatan war ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi. Ciidanka Puntland ayaa muddo dheer ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana marar badan gadood ka sameeyeen magaalooyinka wa weyn ee maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites