Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab xukun dil ah ka fuliyay G/Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

KISMAAYO (SMN)  – Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in shalay gelinkii dambe in Al-Shabaab 5 qof ay ku toogteen gobolkaasi.

Al-Shabaab ayaa xubnahan ku eedeeyeen inay Jawaasiis u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.

Fagaare ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu toogtay raggaasi, waxaana goobta ku sugnaa dadweyne fara badan iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Raga la toogtay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa Al-Shabaab magacyadooda ay ku kala sheegeen:

1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan.

2-Cabdikariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS

3-Xasan Barre Isxaaq (Jiirow Barrow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya

4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da

5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dil ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this