Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo dowladda Federaalka u wakiishay dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay wasaaradda Arrimaha gudaha  Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay Dastuurka Galmudug iyo sidoo kale baahida loo qabo dib u-heshiisiinta iyo midaynta Galmudug uu go’aansaday in uu dowladda Federaalka Soomaaliya u wakiisho hawlahaasi.

Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa lagu faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay sii wataan waajibaadkooda ay bulshada u hayaan inta laga soo dhisayo dowlad cusub.

war-xaaf-696x902.jpg?resize=696%2C902&ss

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo dowladda Federaalka u wakiishay dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this