Deeq A. Posted July 4, 2019 Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla degaanka Xagar ee gobolka Jubada hoose, waxay ku toogteen 5 nin oo ay ku sheegeen basaasiin. Al-shabaab ayaa 5-ta nin ku eedaysay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka, waxaana dhammaantood lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay xukuntay maxkamadda Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Cismaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sano jir ah iyo Cabdikariin Mu’min Axmed oo da’diisu tahay 48 sano, ayaa Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Halka Cumar xassan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sano jir ah iyo Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sano jir ah, ay Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen C.I.A Maraykanka. Sidoo kale, ninka shanaad oo magaciisa Al-shabaab ku sheegtay Xassan Barre Isxaaq (Jiirow Barroow) da’diisuna tahay 35 sano jir, ayaa maxkamadda Al-shabaab sheegtay in lagu helay denbi ah in uu la shaqeynayey Sirdoonka dowladda Kenya. Maxkamadda Al-shabaab ma soo bandhigin wax caddaymo ama qiraal ah oo muujinaya in ragga la toogtay lagu helay denbiyadii ay ku eedaysnaayeen. PUNTLAND POST The post AL-shabaab oo dad ku laayay goob fagaare ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites