Deeq A. Posted July 4, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku fulisay shan Qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose. Fagaaraha lagu toogtay raggaasi waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan dhaq dhaqaaq Al-Shabaab. Qaadiga maxkamad hoostaga Al-Shabaab ayaa goobta ka akhriyay, ka hor inta aan la toogan shantaasi Qof dambiyada loo heysto. Raga la toogtay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa Al-Shabaab magacyadooda ay ku kala sheegeen: 1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan. 2-Cabdikariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS 3-Xasan Barre Isxaaq (Jiirow Barrow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya 4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da 5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab oo weli maamulo deegaano iyo degmooyin ku yaalla dalka ayaa inta badan ka fuliya goobaha ay ku sugan yihiin xukuno u badan dil, waxaana u dambeeyey midkii lagu fuliyay Oday 75 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu isku guursaday Gabar iyo Hooyadeed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites