Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo qoreysa sirdoon nooc cusub ah oo uu dal carbeed maal-gelinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa loo ogolaaday in ay qortaan dhalinyaro cusub oo Jaamciyiin ah iyo kuwa ka soo baxay Dugsiyada Sare, kuwaas oo loo diyaarinayo in ay noqdaan Sirdoonka Booliiska Soomaaliya iyo hey’adda NISA.

Saraakiisha Booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa sheegay in guulo wanaagsan ay soo hoyeen dhalinyaro dhowr boqol ah oo si tijaabo ah looga howlgeliyay hey’adda NISA islamarkaana ay si wayn uga soo muuqeyn dedaallada nabad-galyada Muqdisho lagu raadinayo.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Saraakiisha amaanka ayaa isku raacay in Booliiska loo sameeyo dhalinyaro sirdoon ah dharcad oo si gaar ah ula shaqeeya, waxaana dhalinyaradaas la sheegay in ay noqonayaan aqoonyahaano si niyad furan ah loo soo xulay.

Talo aruurin la sameeyay ayaa lagu sheegay in la isku raacay in Xildhibaanada la siiyo fursad ah in ay soo xulaan dhalinyaro ay ku kalsoon yihiin oo aqoon leh, islamarkaana aysan noqon kuwa Balwad leh.

Fursadaan lama siinin Xildhibaanada oo dhan balse waxaa la sheegay in la siiyay xubno kooban oo ku xiran Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo si tijaabo ah Barnaamijkaan uga fulisay Xafiiska NISA ayaa la sheegay in hadana si tijaabo ah dhowr boqol ugu qoreyso Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa aan badneen oo lagu biirinayo hey’adda NISA.

Qatar ayaa la sheegay in ay bixin doonto Tababarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamadaan waxaana la soo marsiin doonaa Xukuumadda Soomaaliya.

Fursadaan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxaa loo arkaa in ay muhiim u tahay ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda mararka qaar marti geliya dilal iyo Qarax.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this