Sign in to follow this  
Deeq A.

DHAGEYSO: Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Lugta dowladda General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyey howlgallo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Odowaa ayaa sheegay in ciidamadu ay weerareen saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka degmada Xudur ee gobolkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaal xoogan labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi, islamarkaana ay guullo ka gaareen ciidamada dowladda.

Taliyaha ciidanka Lugta ayaa intaasi ku daray in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo u badnaa Ajaaniib, inkastoo uusan shaacin tiradooda.

Waxa kale uu xusay in qabsadeen hub iyo saanad ay Al-Shabaab uga tageen saldhigyadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xoogaga Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshii ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa gobollada Shebeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ka jiray xiisado dagaal oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Odawa.mp3

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this