Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka u adeeg doonta xarunta CID ee Muqdisho oo halis ugu jira laba arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin walba aroorta hore laga soo bilaabo todoban saac oo habeenimo ilaa tobanka barqanimo waxaa banaanka hore ee hey’adda dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID-da taagan boqolaal dad ah oo u adeeg doontay hey’adda.

Dadkaan oo raadinaya in loo qabto adeegyo kala oo isugu jira hubinta dad raba in Baasaboor loo sameeyo, kuwa arday ah oo shahaado ka qaadan raba Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa kale ayaa saf dheer u gala hey’adda CID-da.

Dadkaan ayaa safka ay galaan waxa uu ka bilaawdo meel dhowr mitir u jirta dhismaha hey’dda waana laamiga dhaxdiisa, waxayna halis ugu jiraan laba arin oo kala ah.

  1. Shil gaari maadaama halkaasi ay tahay meesha ugu mashquulka badan xiligaasna aad loo isticmaalo wada. Dadkaan ayaa gooya wadada KM4 iyo ilaa Zoobe waana walaaca 1-aad oo ay qabaan shacabka halkaas u adeeg doonta.
  2. In halkaasi ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah ama isku dhacyo laba Ciidan oo sababi kara dhimasho iyo dhaawac badan. Dadka ugu badan iyo qubarada amaanka ayaa sheegay in xiligaasi ay Al-Shabaab beegsan karaan CID kadibna ay ku dhamaan karaan shacabkaasi oo meesha soo buux dhaafiyay sida sanadkii 2014-kii ka dhacday ka soo horjeedka CID oo lagu weeraray arday deeq waxbarasho u raadsatay xaruntii Wasaaradda ee Harkaha iyo Saamaha.

CID malahan meel ay dadka fariistaan oo gudaha ah sidoo kale barxadda banaanka ah ee CID-da dadka lama geeyo si loo ilaaliyo amaankooda maadaama ay magaalada Muqdisho ka dhacaan weeraro aan loo aaba yeelin laguna laayo dadka shacabka ah.

Sidoo kale, CID malahan Jadwal kala yareeya dadweynaha halkaasi isugu yimaada maalin walba kaas oo fududeyn kara in dadka aysan maalin walba soo xaadirin.

Khubarada amaanka waxay ka digeen in weeraro ay ka dhacaan halkaasi islamarkaana dadka rayidka ah ee halkaas ku dayacan ay ka soo gaaraan khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Khubarada iyo Masuuliyiinta amaanka waxay ku taliyeen in dowladda Soomaaliya ay raadiso qorshe iyo xal kale oo lagu yareeyo dadka halkaasi isugu taga maalin walba kuna sugnaada waqti dheer iyadoo ay dhooban yihiin laamiga. Xataa waxaa dhici karta in la weeraro hoteelada udhow islamarkaana ay saameyso dadkaasi shacabka ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this