Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa hor-taagan inay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland furmaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay Wada-hadalada kala dhaxeeya Dowlada Somaliya, isagoona ka dhawaajiyey halka ay Somaliland ka taagan tahay wada-hadaladaasi.

Wasiir Faratoon ayaa dowladda Somaliya ku eedeyay inay iyadu sabab u tahay qabsoomid la’aanta Wada-hadaladaasi, isla markaana ay ka meer-meereyso inay si toos ah u hor fadhiisato Somaliland.

Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dadaalo ay Somaliland ku rabto inay dowlada Sacuudiga ay kaga laabato go’aanka ay Dowladda Federaalka ku hoos geysay dhoofinta xoolaheeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu si adag u dhaliilay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna yiri:

“Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada-hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada-hadalo toos ah wada-galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Somaliya oo aanu la garnaqsano, balse Somaliya wey ka meermaraysaa”.

“Farmaajana midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay, garnaqsi iyo wada-hadalna diyaar uma ah,  Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada-hadalada, Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Somaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this