Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo ku dhacay shirqoolkii ugu horreeyey oo ay ISRAEL u dhigtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimadda Online) –Illo wareedyo heerkoodu uu aad u sareeyo ayaa sheegay inuu jiro qorsho cusub oo lagu xoojinayo xiriirka laba dhinaclaha ah ee u dhaxeeyo Dowladda Sacuudi Carabiya iyo Maamulka Israa’iil ee xoogga ku heysto dhulalka Falastiin.

Warbixino khaas ah oo ay heshay Al- Khalij Online ayaa muujinayo inuu jiro wadahadalo u dhaxeeyo Riyadh iyo Tel Aviv- kuwaasoo ku saabsan heshiis la doonayo inay labada dhinac kala saxiixdaan si ay israa’iil Gudaha Sacuudiga uga sameysato Saldhig Militari.

Dowladda Sacuudiga ayaa dooneyso inay Israa’iil u furto albaab waligeed ka xirnaa oo aysan xataa macquul aheyn inay usoo dhawaato, waana qorsho ay israa’iil ku dooneyso inay si qoto dheer usoo dhexgasho dhulalka Carbeed.

Inkastoo markii horeba ay Israa’iil aheyd suuq ay Sacuudiga kasoo iibsato hubka kuna bixiso Malaayiin Dollar, haddana Israa’iil taas kuma qanacsano oo waxay dooneysaa inay soo dhexgasho carabta iyo Islaamka.

Isha Israa’iil ayaa markaan kusoo jeedo dhulka Sacuudiga, iyadoo dooneyso inay ka sameysato Saldhig Militari iyo Garoon Diyaaradeed oo ay isticmaalaan ciidamadeeda si ay saameyn ugu yeelato Gobolka, waxayna goobtaas noqoneysaa meel ka caagan Dadka iyo Maamulka Sacuudiga.

Heshiiska labada dhinac ay wada geli rabaan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah inay Israa’iil isticmaasho shidaalka Sacuudiga, in Sirdoonka Israa’iil loo ogolaado inay soo galaan gudaha dalkaas si ay howlo jaajuusnimo uga fushadaan.

Illo wareedyo Carbeed ayaa tilmaamay inay Israa’iil dalabkaan bil ka hor u gudbisay Sacuudiga, haddana ay ficil ahaan u bilowdeen wadahalada ku saabsan.

Qodobada ugu halista badan ee heshiiskaas ku jiro waxaa kamid ah in dhulka Saldhigga laga sameenayo uu noqonayo mid ijaar ah oo ay Israa’iil dhaafsaneyso alaab ama agab mudo dheer la adeegsan karo, wuxuuna dalabkaan u ogolaanayaa in dhulkaas Sacuudiga ku yaal uu gacanta u geli doono gumeysiga Israa’iil.

Al-Khaliij Online ayaa sheegtay inay labada dhinac isku fahmeyn heshiiska isla markaasna waxaa la xaqiijiyey inay Riyaad siisay Israa’iil dhulkii saldhigaas laga sameyn lahaa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this