Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin ay Soomaali ka mid ahaayeen oo lagu dilay Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

TRIPOLI (SMN) – Ugu yaraan 44 ruux ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ku habsatay meel lagu xiro dadka soo galootiga ah oo ku taalla dalka Liibiya, iyadoo dhaawacana uu gaaray 130, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Caruur iyo Haween.

Xerada la duqeeyay ayaa waxaa ku jiray dad gaarayay illaa lix boqol oo qof, kuwaas oo dhamaan ahaa Tahriibayaal ku xirnaa halkaasi.

Waxaa la sheegay in dadka dhintay badankood ay Afrikaan yihiin, kuwaas oo ka soo jeeda dalalka Somalia, Ereteria iyo Sudan

Sanadihii dhawaa Liibiya ayaa xudun u noqotay dadka Tahriibaya ee doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub.

Dalka Liibiya waxaa ragaadiyay rabshado iyo kala qaybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraa ee Mucamar Qaddaafi 2011-kii.

Dhinaca kale guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay  In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo duqeyntaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay dambi aad u qaab daran, wuxuuna ku sheegay inuu doonayo in lagula xisaabtamo dadkii geystay.

Ugu dambeyn Mahamat ayaa dalbaday in si degdeg ah xabadda loo joojiyo, dhinacyada oo dhana ay ku dadaalaan badqabka iyo ammaanka shacabka, il gaar ahna ay ku fiiriyaan dadka soo galootiga ah ee ku go’doonsan goobaha Muhaajiriinta lagu xiro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this