Sign in to follow this  
Deeq A.

Beeshii ugu hooreysay oo qaadacday doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulllaahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn doorasho ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Cabdulllaahi oo ka tirsan beesha Saleebaan islamarkaana wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmada Cadaado ay ugu horreyn raali ka yihiin dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in doorashada ay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Cadaado in la siiyo xaqeeda oo aan Dhuusamareeb la isugu darin ku qabashada shirka dib u heshiisiinta, doorashada, caasimadda Galmudug iyo caasimadda Galgduud.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka Cadaado, odayaasha iyo siyaasiyiintooda aysan ka qeyb-gali doonin doorashada.

Go’aanka doorashada ay uga dhaceyso Dhuusomareeb ayaa waxaa qaatay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhowaan heshiis la galay kooxda Ahlu-Sunna, taasi oo aad uga carreysiiyey bulshada Cadaado.

Xildhibaan Cabdulllaahi ayaa a’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in wax laga bedalo sida ay hadda wax ku socdaan si loo helo Galmudug oo mideysan.

Halkaan hoose ka dhageyso waryesiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CLLAAHI-CUMAR-MAXAMUUD-.mp3

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this