Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalo Ku Taalla Japan Oo Laga Saaray Dhammaan Dadkii Ku Noolaa Oo Ka Badan 500 Kun Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kagoshima)-Magaalada Kagoshima oo ku taala dalka Japan ayaa laga saaray dhamaan dadkii deganaa oo gaadhaya 600,000 qof, iyadoo laga cabsi qabo roobab xoogle oo da’a halkaasi.

15565178-7207747-image-a-52_156212791744

Dadkan degan magaalada Kagoshima oo ku taala koonfurta dalkaasi Japan ayaa loo sheegay inay gabaad ka raadsadaan oo loo daad gureeyey badhtamaha dalkaasi goobo ay kaga badbaadaan masiibo ka dhalata daadad soo rogmada oo soo jara dhulka.

Deegaankaasi dadka laga daad gureeyey ayaa maalmihii u dambeeyey wajahay roobab heerkoodu aanu caadi ahayn.

Taas oo lagu qiyaaso 900mm (35 inches) oo roob ahi inay da’ayo koonfurta badidoodu ay tahay Kyushu tan iyo bishii June sida ay baahisay warbaahinta NHK.

Roobabkan calculus ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan ilaa maalinta khamista ah.

Tiro ka badan 200 qof ayaa ku dhintay galbeedka dalka Japan July-dii sanadki hore, markii ay da’een roobab soo rogay daadad dhul farabadan soo jaray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this