Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Ganafka Ku Dhuftay Lahaanshaha Hub Laga Helay Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dubai)-Imaaraadka Carabta ayaa dhinac iskaga leexiyey lahaanshaha hub laga helay dalka Libya kadib markii Senator ka tirsan dalka Maraykanku uu dal baday in baadhitaan lagu sameeyo warbixin sheegaysa in gantaalo maraykanku sameeyey lagu qabtay saldhig uu leeyahay Taliyaha milatariga ee Khalifa Haftar.

64f0071c4ba2479fb7e7e30e8ab16952_18.jpg

Wasiirka arimaha dibada ee dawlada Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo arintaasi, isagoo intaasi ku daray inay ilaalinayaan cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalka Libya.

“Imaaraadku Carabtu wuxuu ugu baaqayaa in dhinacyadu ay xiisada hoos u dhigaan iyo in loo hogaansamo hanaankii siyaasada ee qaramada Midoobay ay waday,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Dhawaaqan ayaa yimid maalmo ka dib markii ciidamada dawlada Libya ee beesha caalamku ay aqoonsan tahay ay todobaadkii la soo dhaafay ay sheegeen inay qabteen hub uu sameeyey dalka Maraykanki, hubkaas oo lagu qabtay buuraha koonfureed ee caasimada dalka Libya ee Tripoli.

Hubka la qabtay ayaa ay ka mid yihiin tiro gantaalada lidka taangiyada ah, sida uu sheegay Afhayeen Maxamed Qununu oo u hadlay uu hadlay milatariga dalkaasi, kaas oo sidoo kale sheegay in hubkan ay ku calaamadsan tahay calaamada ciidamada Imaaraadka carabta oo iyagu soo dhoofsaday hubkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this