Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay meel u dhow Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal saaka ka dhaacy tuulada Mareero oo qiyaastii 10km dhanka abri kaga beegan  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Amniga gobolka Bari iyo malayshiyaad hubaysan oo kuwa wax tahriibiyaa kuwaasi oo shalay dil u geystay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada dowladda Puntland.

Ciidamada Amniga ayaa saaka weerar ku qaaday tuulada Mareero oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka waxaana dagaal khasaare geystay kadib ciidamadu gacanta ku dhigeen qaar kamid ah malayshiyaadkaasi.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay meel u dhow Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this