Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DFS oo guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka Sabiib

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey  deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

Ibraahim Aadan  Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Al-Shabaaab. Ayuu yiri Gudoomiye najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa  Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga saaray Al-Shabaab loogu soo celin lahaa adeegyadii aas-aasiga ah ee nolosha.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1562081887000.jpgFB_IMG_1562081889344.jpgFB_IMG_1562081889344_1.jpgFB_IMG_1562081906744.jpgFB_IMG_1562082085848.jpgggggg-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this